Waddanka Colombia waxaa ka dhacay fatahaado ay dad ku dhinteen,waxaana soo dumay guryo badan oo ku yaallo Koofur galbeed ee waddankaasi dadka dhintay ayaa waxay gaarayaan 206 qof, halka kuwa kalana ay soo gaareen dhaawacyo sidoo kale waxaa lagu weysanyahay fatahaadaha dhacay boqolaal kale oo qof.
Roobab aad u faro badan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay waddanka Colombia ayaa waxay sababbeen fatahaado, kuwaas oo keenay in guryaha ku yaallo gobolka Putumayo ay qariso dhuubo.
Hay’adda laan qeyrta cas ayaa waxay ku qiyaastay dadka ay wax soo gaareen ku dhawaad inay yihiin 202 qof, halka ay gaarayaan dadka la weysanyahay 220 kale.




From the comments