Wasiir Hore Oo Ku Geeriyoodey Muqdisho
Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka Nuur Faarax Xirsi ayaa habeenkii xalay ayaa ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.
Ehlada wasiirka ayaa inoo xaqiijiyey in maalmihii ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, balse xalay uu geeriyoodey.
Allaha u naxariistee, wasiir Nuur Faarax waxa uu ka tirsanaa xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra’iisul wasaare hore Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaa uu horay u soo noqday Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kuala Lampur, Malaysia
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News