Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug Oo Baaq u Diray Shacabka Cadaado
Xildhibaan Mahad Sheekh Cali oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa baaq u diray shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo 10-ka bishan ay doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi ay ka dhici doonto.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in shacabka loo baahan yahay iney ka shaqeeyaan amniga guud ee magaaladaasi, lana shaqeeyaan ciidamada ammaanka.
Shacabka Cadaado ayuu ku amaanay xildhibaan Cibaar sida ay ula shaqeeyeen ciidamadama amniga, isaga oo kasoo dalbaday iney xoojiyaan arrintaasi.
Dhanka kale xildhibaanka ayaa tilmaamay in xildhibaannada Galmudug iyaguna laga doonayo in shacabkooda ay u doortaan madaxweyne howlkar ah, islamarkaana isbedal ka hirgelin kara Galmudug.
April 10, 2017, xildhibaannada maamulka Galmudug waxay degmada Cadaado ku dooran doonaan madaxweynahooda.
Goobjoog News