Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta xildhibaannada ka hor akhriyay miisaaniyadda dowladda ee 2017-ka.
Mr. Bayle waxaa uu xildhibaannada weydiistay in ay duuduub u ansixiyaan miisaaniyadda maadaama xukuumadda iminka waxba kharash gareyn karin, kana dhammaatay saddexdii billoodlihii horay loogu ansixiyay.
Dhammaadka bisha June ayuu sheegay in uu ku soo celin doono golaha shacabka ku noqoshada miisaaniyadda 2017-ka oo dhameystiran si loo waafijiyo mudnaanta iyo siyaasadda xukuumadda cusub.
Miisaaniyaddan hoos ku qoran waxaa loo qoondeeyay xafiisyada dowladda sanad miisaaniyadeed 2017-ka,
Miisaaniyad Joogta ah: US$ 255,832,434
Miisaaniyad Raasulmaalka Ah: US$ 11,711,930
Wadarta guud: US$ 267,544,364
Miisaaniyadda Dowladda federaalka ah waxaa ay korortay US$ 19,250,063 marka loo eego miisaaniyaddii 2016-ka, waxaa kaloo jirta in miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee 2017-ka ay ka yartahay miisaaniyadda maamulka Somaliland 2017-ka, maamulka dambe waxaa loo ansixiyay miisaaniyad dhan $ 362,517,393.
Xafiisyada Dowladda Ee Lacagta ugu badan ku bixi doonto 2017-ka waa:
| Madax |
Faafin |
2017- Ku talagal-ka Guud |
Isbadal-ka 2017 |
% |
|
Wadarta Guud |
267,577,964 |
(46,361,803) |
-18.7% |
| 10101 |
Xafiiska Madaxtooyada |
5,038,918 |
3,885,170 |
93.2% |
| 10202 |
Xafiiska Baarlamaanka |
16,595,512 |
13,632,084 |
136.2% |
| 10301 |
Xafiiska Ra’isul Wasaaraha |
5,593,199 |
4,227,508 |
83.5% |
| 10303 |
Mashruuca CIP |
6,527,695 |
5,431,088 |
123.8% |
| 10401 |
Wasaaradda arrimaha dibadda |
2,142,063 |
1,651,470 |
92.9% |
| 10402 |
Safaaradaha |
4,707,600 |
3,475,200 |
80.2% |
| 10501 |
Wasaaradda Maaliyadda |
7,386,542 |
5,312,112 |
76.2% |
| 10503 |
Adeegga guud ee dowladda |
14,612,391 |
(35,164,210)- |
-86.6% |
| 10505 |
Adeegga PFM |
10,236,250 |
7,728,750 |
77.1% |
| 10506 |
Mashruuca EFG |
3,019,400 |
2,269,400 |
76.2% |
| 10507 |
Mashruuca RCRF |
2,443,850, |
1,766,229 |
56.3% |
| 10508 |
Mashruuca score |
3,297,110 |
1,766,229 |
56.3% |
| 10701 |
Wasaaradda arrimaha gudaha |
8,944,300 |
6,427,440 |
65.4% |
| 10902 |
Ciidanka Asluubta |
3,321,500 |
4,112,500 |
91.2% |
| 20102 |
Taliska Ciidanka xoogga dalka |
47,836,242 |
37,912,932 |
105.0% |
| 20202 |
Taliska Ciidamada Booliiska |
24,302,140 |
19,759,600 |
121.0% |
| 20203 |
Hey’adda Nabad sugidda Qaranka |
11,411,080 |
8,900,810 |
97.5% |
| 20204 |
Hey’adda Socaalka Iyo Jinsiyadaha |
2,315,800 |
1,885,300 |
122.4% |
| 30601 |
Wasaaradda warfaafinta |
4,085,165 |
3,201,332 |
101.1% |
| 30702 |
Mashruuca ICT |
3,697,868 |
2,222,868 |
38.8% |
| 40201 |
Wasaaradda waxbarashada |
3,694,854 |
2,797,084 |
91.0% |
|
|
|
|
|
Miisaaniyaddan qaabka loo helaayo waxaa ka mid ah deeqaha laga filanayo deeq bixiyeyaasha, waxaa lacagtaas sanadkan wax laga siin doonaa maamul goboleedyada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir.
Miisaaniyadda Oo Faah-faahsan, Kala Soco Goobjoog News,
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,
From the comments