Sida lagu daabacay India Today, koox burcad badeed la sheegay iney Soomaali yihiin ayaa qafaashay markab xamuul ah oo laga leeyahay dalka India, kaasi oo kasoo shiraacday Dubai.
Markabkaan oo ay saarnaayeen 11 shaqaale ah ayaa la sheegay in dhanka Yemen uu kusii jeeday, hase ahaatee ay dhexda u galeen burcaddan hubeysan.
Markabkaan ayaa xiriirkiisa la waayey 1-dii bishan, kadib markii Kabtanka markabkaasi caddeeyey iney u gacan galeen Burcad Badeed.




From the comments