Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku lahaa degmadaasi.
Dad ku sugan degmada Ceelbuur ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in ciidamadaasi oo wata gaadiidka dagaalka ay faarujiyeen dhammaan fariisimahii ay ku lahaayeen degmadaasi.
Lama oga ulajeedka ka dambeysa in ciidamadan ay isaga baxaan degmada Ceelbuur, sidoo kalena lama oga halka ay aadeen.




From the comments