Warar goor dhow aynu ka helnay degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in dagaalyanno ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen degmadaasi, iyadoo Isgaarsiinta degmada ay hawada ka bax baxayso.
Dad ku dhow degmada Ceelbuur ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, iney arkeen dagaalyahanno Al-shabaab ah, kuwaa oo sii galaya degmada Ceelbuur.
Saraakiisha ciidanka dowladda iyo maamulka degmadaasi oo aynu xiriir la sameennay ayaan inoo suuragelin in arrintaasi aan ka wareysanno.




From the comments