Guddiga abaaraha ee maamulka Galmudug ayaa sheegay inuu jiro gaabis ku yimid xagga gargaarka ah ee dadku abaarta ku hayso deegaannada uu maaamulkaasi ka arrimiyo.
Afhayeenka guddigan Maxamed Nuur Diini oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in qarashkii ay ka heleen guddiga gurmadka abaaaraha ee heer Qaran ayaa sheegay in lacagihii oo go’ay ay sababtay inaaney sii socon gurmadkii ay wadeen.
Wuxuu tilmaamay afhayeenka in 150 kun oo doolar oo lasoo gaarsiiyey aysan waxbo tarin marka loo eego baaxadda abaarta iyo saameynta ay reebtay.




From the comments