Miisaaniyadda 2017-ka Oo Maanta La Hor-keenayo Golaha Shacabka

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo goordhaw la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in maanta ay sugayaan in la horkeeno miisaaniyadda 2017-ka.
Golaha shacabka ayaa xukuumadda ka dhageysan doona miisaaniyadda iyo sida loo qoondeeyay, waxaana la filayaa in sanadka ay miisaaniyadda ka badato sanadihii hore.
Wadarta Miisaaniyadda La qoondeeyay 2016:
Miisaaniyadda sanadkii hore waxaa ay bilaabatay 1-da Janaanyo 2016-ka kuna dhamaada 31, December 2016.
Wadarka Miisaaniyadda La Qoondeeyay waa Miisaaniyadda joogtada ah iyo tan raasulmaalka:
Miisaaniyadii 2016-ka
(B) Kharashka Joogta ah: US$ 223,163,948
(T) Kharashka Raasulaamka US$ 23,144,000
Wadarta Guud: US$ 246,307,98
Hadaba, falan-qeynta Miisaaniyadda, qoondada ku soo aada hey’adaha dowladda iyo dhammaan arrimaha miisaaniyadda 2017-ka, kala soco, Goobjoog News.