Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo dagaal xooggan oo u dhaxeeya Labo beel oo walaalo ah.
Dagaalkan ayaa ka socda Tuulada Jameeca Misra oo kamid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Dad goob joogayaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in dagaalkan ay ku dhinteen ugu yaraan 2 ruux, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.




From the comments