U bood dhigaalka

Dunida Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Caawinta Ciribtirka Miinada

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah, 4-ta bisha April waxaa dunida oo dhan laga xusayaa maalinta ay Qaramada Midoobay u asteysay caawinta ciribtirka Miinada, iyadoo meello kamid ah dalkana laga xusayo maalintaan.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa iney ka dhaco munaasabad lagu maamuusayo maalintaan, xilli ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo ku naafoobay Miinada.

Cali Aadan, waxa uu kamid yahay dadka ku naafoobay Miinooyinka qarxay, muddo hadda laga joogo 20 sano ayuu ku ara beelay miino ku qaraxday isaga oo ku sugnaa gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in si lamid ah sida ay isaga u naafeysay Miinada ay dad kale oo badan naafo uga dhigtey, waxaana uu tilmaamay in sababta ugu weyn ay ahayd deegaannada dadka uu isaga kamidka yahay ay ku sugnaayeen oo haraadiga Miinooyin badan ay yaalleen.

“Aniga 1992 ayaa waxaa igu qaraxday Miino, waxaan ku sugnaa gobolka Hiiraan, da ahaan aad baan u yaraa, waxay ahayd maalin xanuun badan, laakiinse ilaahay mahadiisa waan noolahay, waxaan ku waayay Miinadan aragga, waxaan ku waayay qeybo kale oo lixaadkeyga kamid ah sida gacmaha, annaga oo ciyaareyna ayeey nagu qaraxday Miinadan, meesha aan kusugnaa waxay ahayd meel ay deganaan jireen ciidan, illaa hadda meelahaasi Miinooyinka ka qarxa ayaa waxyeello soo gaarsiiya shacabka, gobollada Hiiraan iyo Galgaduud dhibaatada Miino weli waa ay haysataa” ayuu yiri Cai Aadan.

Ugu dambeyn Cali Aadan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in mar walbo ay ka shaqeeyaan la dagaalanka Miinada, islamarkaana dadka qibradda u leh howlahaasi iney shacabka badbaadiyaan.

Goobjoog News