Maamulka degmada Shangaani ee gobolkan Banaadir ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iney diideen bixinta Canshuurta guryaha.
Guddoomiyaha degmadaasi C/qaadir Maxamed C/qaadir oo u waramay Goobjoog News, ayaa tilmaamay in howlaha kale ee degmada ay tahay mid aad u wanaagsan, amniga iyo sidoo kale dib u dhiska, balse waxa uu calaamad su’aal saaray mas’uuliyiin uu sheegay ineysan dooneyn in canshuur ay bixiyaan.
“Waxaa gobolka oo dhan ka socda bixinta Canshuurta guryaha, waxay bilaabatay 2015-kii, illaa hadda waa ay socotaa, waxaa lagu sameeyey dardargelin, Canshuurtaasi sanadkii hore dadka inta badan waa ay bixiyeen, dadka inta badanna waa la diiwaangeliyey, lacagta la qaadayo dadka ayaa wax loogu qabtaa sida dhismaha laamiyada, haddii aan nahay maamulka degmada Shangaani waxaan dhibaato ku qabnaa mas’uuliyiinta dowladda, markii aan canshuurta qaadeyno caqabadda ugu adag waa mas’uuliyiinta dowladda ee deggan degmada oo ilaalada haysta oo aan albaabkooda la geli karin, markii la dhaho bixiya canshuurtana uu wejiga bedalayo diidayo inuu canshuurta bixiyo, waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta dowladda ee deggan Shangaani iney bixiyaan canshuurta” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments