Ugu yaraan waxaa ku dhimatay 58 qof halka ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale weerar la aamisanyahay in loo adeegsaday hubka Chemicalka ah kaasi oo lagu weeraray magaalada Idlib ee waqooyi galbeed ee waddanka Syria.
Diyaaradaha dowladda Ruushka iyo kuwa Syria ayaa duqeyntaan si wada jira u fuliyay taasi oo keentay inay dhintaan dad badan oo shacab ah.
Dowladda France ayaa baaq deg deg ah u dirtay golaha ammaanka ee qaramada midoobay si looga hadlo weerarkii ugu dambeeyay ee diyaaradaha Ruushka ay ku qaadeen waddanka Syria,iyagoo adeegsaday hubka Chemicalka ah.




From the comments