Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Haile Mariam iyo madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-bashiir oo shalay galinkii dambe kulan wada jira ah ku qaatay magaalada Adis-ababa ee caasimadda waddankaasi Itoobiya ayaa waxa ay ka wada hadleen in labada waddan ay iska kaashan doonaan dhowaan dhinacyada ay ku jiraan ammaanka arrimaha dibadda.
Labada Mas’uul ayaa sidoo kale waxay ka wada hadleen inay muhiim tahay in si cadaalad ay ku dheehantahay looga faa’ideysto biyaha wabiga Niil-ka.
Kulanka inta uu u socday ayaa madaxweynaha dalka Suudaan Al-bashiir waxa uu sheegay in iskaashiga ay la yeelanayaan Itoobiya uu noqon doono mid ku salaysan dhinacyada walbo,isagoo ku raacay hadal uu sheegay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo ahaa in Suudaan iyo Itoobiya iskaashigooda ku saabsan dhinacyada Siyaasadda, Milatariga, Ganacsiga iyo arrimaha bulshada aanu xad laheyn.




From the comments