Xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka ayaa ah mid baahsan safmar ah oo buuro, dul iyo bannaanba 637,000km laba jibaaran, taasoo ka dhalatay roobabkii la filaayay 4-tii xilli ee la soo dhaafay oo la waayay ama si fiican aanan u da’in. Abaarta hadda ka jirta dalka waxay saamaynta ugu badan u geysatay xoolaha, beeraha iyo dadka waxayna sababtay biyo la’aan baahsan.
Roobka Gu’a April-June haddii uu da’o waxaa seddex bilood oo kale la sugayaa gurashadiisa haddii uusan da’in ama yaraado Qatar intaan ka badan ayaa laga baqayaa sidii 2011kii.
XAALADDA ABAARAHA DULAMAR GUUD
- Waxaa in ka badan 20,000 oo caruur ah nafaqo darro ku haysataa dhammaan gobollada dalka ilaa bilawgii sanadkaan waxaa ku geeriyooday 450 caruur .
- Waxaa macluul ay ku bilaabatay in ka badan 2.9 malyuun oo qofood.
- Waxa cunto yari ay soo wajahday 3.3 malyuun oo qof.
- Waxa ay galafsatay abaarta 70% xoolo nuuc walba is kugu jira.
- Waxaa degaanno badan oo dalka ah ka dilaacay daacuun calooleed ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 1630 qofood.
- Waxaa guray wabigii Shabeelle, haddana waxaa isana guray Jubba.
- Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii beeraha.
- Waxaa degaannadoodii ka barakacay 1.3 malyuun qofood oo hadda dul degan magaalooyinka waaweyn.
- Isku celcelis waxaa kaalmo u baahan in ka badan 6.2 malyuun qofood oo Soomaaliyeed.
NATIIJADA KA DHALATAY ABAARAHA
- Dhimashada dadka oo wali socoto cudurro iyo gaajo dhalatay abaarta awgeed.
- Dhimasho xoolaha ku timid calaf la’aan iyo biyo la’aan awgeed.
- Cudurro ku dhacay xoolaha.
- Barkacayaasha oo ku soo badanaayo magaalooyinka waaweyn.
DHAKHLIGA SOO XAROODAY
Waxaa dowladda, dadwaynaha, qurbajoogta, ganacsatada dalalka iyo hay’adaha taakuleeya Soomaaliya ku deeqeen dhaqaale aanan ku filnayn baahida taagan oo aad u baaxadweyn awgeed. Lacagaha nasoo gaaray waxaan ka kala helnay:
| Dowladda | $623,968 |
| Ururka Jaamacadda Carabta | $91,835 |
| Albeyrak-Dekadda | $100,000 |
| Dowladda Malaysia | $100,000 |
| Ganacsatada Gudaha | $10,000 |
| Ganacsatada Qurbajoogta
|
$128,221 |
| Dadweynaha/Siyaasiyiinta | $1,427,019 |
| Wadarta Lacaga Soo Galay | $2,481,043 |
GAARSIINTA DEEQAHA
Mgaca Maamulka
Lacagta 1aad Lacagta 2aad Raashin Dawo Deeq bixiye Soomailand – $200,000 Puntland
$150,000 $170,000 Jubbaland $170,000 $160,000 Koofur Galbeed 170,000 $150,000 38TM Jabuuti Galmudug 170,000 $155,000 Hirshabeelle 160,000 $150,000 Banaadir 150,000 $100,000 20MT
147MT
Urdun
Hrmuud
Sool,Sanaag iyoCayn 0 $100,000 Wadart $970,000 $1,185,000 Wadarta Guud