Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland ay ka fiirsanayso wada hadallada u socday iyaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya kuwaas oo marar badan horey u burburay. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID…
Published April 6, 2017
Akhris 2 daqiiqo ah
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland ay ka fiirsanayso wada hadallada u socday iyaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya kuwaas oo marar badan horey u burburay.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ahna musharraxa madaxweyne ee xisbigaasi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka adkeyn dowlad goboleedyada dhismaya islamarkaana aynaan ka hadli karin arrinta Somaliland.
“Waan ka tashaneynaa in wada hadallada aan lasii wadno Soomaaliya, waayo dowlado badan baa is dhex yaacaya, waa qabiilo isku tagey, Soomaaliya gacan gumeysi bay ku jirtaa” ayuu yiri Faysal.
Waxa uu sheegay in baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aanu ku dhisneyn sharci, islamarkaana aanu wax ka tari karin heshiiskii Somaliland ay la gashay dowladda Imaaraadka.
“Annagu kama mid nihin waxa aad dowladda ku sheegeyso, baarlamaanka aad sheegeyso waa midkii inta ay diideen baarlamaankii Jubbaland hadane iyaga oo u jeeda laga shaqeysiiyey, waqti bay iska khasaarinayaan waxba nama tari karaan, Muqdisho ayaa lagu ilaaliyaa” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
From the comments