Maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in ay awood kusoo furan doonaan doon ganacsi oo dhowaan kooxaha burcad badeedda Soomaalida ku qafaasheen xeebaha gobolka Mudug.
Guddoomiyaha degmadaasi C/laahi Clai Axmed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in kooxahan ay u dirayaan digniintii ugu dambeysay oo ah in si nabad ah kusii daayaan doontaasi, haddii kalena awood looga furan doono.
“Waxaan isku daynay inaaan u marno dariiq nabad galyo annaga oio adeegsaneyna odoyaasha dhaqanka ee ku heybta ah Burcad badeedda haysta doonta, odoyaashii waxay ka keeneen in awoodoodii ay soo gaabatay waxna aysan ka qaban karin, annaga tallaabada inoo xogta waxa ay tahay in awood kusoo furanno haddii nabadgalyo kusoo deyn waayaan” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments