War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay soo weerareen saldhig ay leeyihiin ciidamada Soomaalida kaas oo ku dhaw saldhig kale oo AMISOM ku leedahay Gudhaa oo ka tirsan Jubbada hoose.
Dagaal halkaasi ka dhacay waxaa uu qoraalka sheegayaa in ciidanka AMISOM ay xarakada ka dileen labo oo midkooda lagu magacaabo Baashi Nuure Xasan oo ka tirsan deegaanka uu dagaalka ka dhacay.




From the comments