Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa , oo shalay gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa halkaasi waxa uu kulamo kula leeyahay madaxda maamulka Galmudug.
Wasiirka ayaa sheegay inta uu ku sugan yahay Cadaado inuu la kulmi doono hoggaanka Galmudug, xildhibaannada maamulkaasi, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
“Safarekeenna waxa weeye inaan wadatashi iyo iswareysi, kala xog qaadasho ayuu ku saabsan yahay, bulshada qeybaheeda kala duwan ayaan la kulmi donna, waana ku faraxsannahay safarkeennaan, waxaana la nimid Cadaado niyad wanaag” ayuu yiri wasiirka.




From the comments