Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya inuu farogelin toos ah ku sameeyay howlaha shaqo ee maamulkooda.
Xildhibaan Mahdi Cali Cilmo oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in wasiirka uu habeenkii xalay ahaa Cadaado kula kulmay xubnaha guddiga doorashada oo uu ka dhaadhiciyey in dib loo dhigo doorashada waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Wasiirka arrimaha gudaha daaqadda ayuu ka galay Dastuurka iyo haykalka dowlad goboleedka Galmudug, kadib markii uu shalay soo gaaray Cadaado, xalay waxaa warar horudhac ah ay sheegayaan inuu kula la qaatay guddiga doorashada Galmudug, kadibna ay soo ifbaxayaan warar sheegaya in doorashadii loo dhigay 30-kii bishan oo ay kala heshiiyeen, taaso oo hareermarsan haykalka dowladda Galmudug” ayuu yiri xildhibaanka.




From the comments