Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa ka badbaaday weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay nawaaxiga wasaaradda difaaca ee magaalada Muqdisho.
Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lala eegtay gaadiid uu la socday Taliye Cirfiid, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa Kulliyada Jaalle Siyaad iyo wasaaradda gaashaandhigga.
Qaraxan ayaa waxaa ku dhintey 5 ruux oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.




From the comments