Qof ayaa goordhaw waxaa uu isku miidaamiyay xero ciidan oo taallo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, saacado kadb qarax gaari oo isna dhacay magaalada.
In ka badan 5 askari oo saraakiil u badan ayaa ku dhimatay halka 9 kale oo ay ku jirto gabar rayid ah ku dhaawacmeen qarax goordhaw ka dhacay Xero ciidan oo ku taalla Warshaddii Nacnaca ee magaalada Muqdisho.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay oo labisnaa dharka ciidanka, isla markaana uu gudaha u galay xerada kadibna uu is qarxiyay.




From the comments