Iyada oo Isbitaalka guud ee magaalda Kismaayo ay ku jiraan dad horay uu u soo ritay cudurka shuban biyoodka oo ka kala yimid deegaannada ku xeeran magaalda Kismaayo iyo gobolka Jubbada hoose ayaa madaxa waaxda shuban biyoodka magaalda Kismaayo Xasan Garaad ayaa waxa uu goobjoog News u sheegay tirada guud ee Isbitaalka ku jirta.
Xasan Garaad ayaa sheegay in Isbitaalka la soo gaarsiiyay dad badan kuwaas oo u badan caruur, waxa uu sheegay in dadkaas badankood ay yihiin dadka ku dhaqan magaalda Kismaayo.
“Waxaa na soo gaaray dad faro badan oo uu asiibay cudurka shuban biyoodka, dadka saameynta ugu badan uu ku leeyahy cudurka oo na soo gaaray waa caruurta”.




From the comments