Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdirashid Cabdulahi ayaa ciidamo ka tirsan millatariga dowladda Soomaaliya maanta u soo xiray tababar in muddo ah u socday, tababarkan waxaa bixinayey saraakiil ka tirsan dowladda Imaaraadka carabta.
Tobabarka loo soo xiray ciidamadaan ayaa waxaa ka qeyb galay munaasabadda wasiirka gaashaadhiiga xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed isagoo ugu horreyn uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inay Soomaaliya ay la garab taagantahay taageero.
Wasiirka gaashaadhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi ayaa ciidamada kula dardaarmay inay wax ka badalaan xaaladda amni oo hada uu ku jiro dalka, isagoo tilmaamay in ciidamadaan ay wax badan ka badali doonaan amniga waddanka gaar ahaan caasimadda Mugadisho.




From the comments