Soomaaliya: 10-kan Arrin Haddii aadan La Yaabin, Waa Laguu Yaabaa!!

Soomaaliya waxa aad maalin walba arkeysaa arrimo kaa yaabiya, marar qaar waa in la diiwaangeliyo si umadda ugu baraarugto khatarta arrinkani leedahay, waxaa hubaal ah in akhristayaasha ku jiraan qaar siddeenna oo kale yaaban .
Soomaaliya: 10-kan Arrin Haddii aadan La Yaabin, Waa Laguu Yaabaa!!
1-Diin Aan Lagu Dhaqmeyn
Sow wax lala yaabo ma aha in innaga oo heysana diinta Islaamka, oo muslimiin ah hadana aan xalaaleysanno wax walbo oo diinta islaamka xaaraan ka dhigtay, dilka iska caadi ayuu Soomaaliya ka noqday, dhaca waa lagu faanaa, kufsiga lala ma gambado, iskaba daa musuqa, xoolo lunsiga iyo beenta…..haddii aadan arrinkan la yaabin waa lagu yaabaa!!
2-Dastuur Aan La Ixtiraameyn
Sow wax lala yaabo ma ahan in dastuur iyo sharciga aan la xitiraamin, qodobka ugu horreeya ee ka hadlaya in qeyb ka mid ah dalka aanu sheega Karin gobannimo iyo xataa qodobada kale sida: in diinta Islaamka tahay diinta dowladda, sarreynta dastuurka, calanka, jinsiyadaha, xuquuqda aadanaha, kheyraadka, kala saarista awoodaha hey’adaha dastuuriga ah, garsoorka, xuuqda shaqaalah….iyo dhammaan qodobadaas dastuurka ku jira sidii la rabo ayaa laga yeelaa, waa la hareer maray… haddii aadan arrinkan la yaabin waa lagu yaabaa!!
3-Dal Qani Ah Oo Dadkiisu Ka Baahan Yahay
Sow wax lala yaabo ma aha in Soomaaliya oo qani ku ah beero, xoolo, kaluun iyo macaadin kala duwan, iyada oo intaasi run tahay, hadana waxaa dalka ka jirta abaaro, baahi, caafimaad darro iyo faqri astaan u noqday Soomaaliya…. haddii aadan arrinkan la yaabin waa lagu yaabaa!!
4-Madax Aan Wax Maamuli Karin
Sow wax lala yaabo ma aha in Soomaaliya oo madax leh, Madaxweyne, Ra’isul wasaare, Baarlamaan iyo dhammaan hey’adihii loo baahnaa hadana weli aan raadineyno maamul iyo dowlad wanaag, dad la dagaalama musuqa iyo qof soo celiya dowladnimadii iyo qarannimadii Soomaaliya.. haddii aadan arrinkan la yaabin waa lagu yaabaa!!
5-Maxkamado Aan Cadaalad Laheyn:
Sow wax lala yaabo ma aha in dalka uu leeyahay maxkamado, dadkeenna ay u dacwo tagaan, aadna u shaqeeya, hadana waxaan mar walbo ka sheegannaa cadaalad darro, dulmi iyo in ninkii xoog leh xaajo u sammaatay.. haddii aadan arrinkan la yaabin waa lagu yaabaa!!
6-Ciidan Aan Nabadda Ilaalin Karin
Sow wax lala yaabo ma aha in Soomaaliya oo ah dal ciidamo leh sida Militari, Booliis iyo dhammaan ciidankii dowladda iyo maamul kasta u baahnaa, hadana laga sheeganayo amni darro iyo dadka aanu ammaan heysan…. haddii aadan arrinkan la yaabin waa lagu yaabaa!!
7-Dowlad Aan Midnimo U Socon
Sow wax lala yaabo ma aha in innaga oo dowlad leh, oo ka shaqeyn karna midnimada umadda, xoojin karna qarannimada hadana aan dowlado kale dhisno, oo maanta Soomaaliya ay ka jiraan illaa 6 dowlad goboleed … haddii aadan arrinkan la yaabin waa lagu yaabaa!!
8-Lacag Aan Qiimo Laheyn
Sow wax lala yaabo ma aha in inaga oo leh lacag Shillin ah, qiimo u yeeli karna, mid cusub daabacan karna hadana aan isticmaalno lacagta Mareykanka ee Dollar-ka…… haddii aadan arrinkan la yaabin waa lagu yaabaa!!
9-Af Aan Wax Lagu Baran
Sow wax lala yaabo ma aha in afkeena Soomaaliga ee hodanka ahaa, qoraalkiisana dhib iyo rafaad laga soo maray hadda lagu soo koobay ku hadal oo keliya oo Iskuullada iyo Jaamacadaha dalka afaf qalaad wax lagu barto….. haddii aadan arrinkan la yaabin waa lagu yaabaa!!
10-Calan Qaar Kale Laga Door Biday.
Sow wax lala yaabo ma aha in calankii buluugga ahaa ee dad badan u soo dhinteen maanta laga doorsaday calamo maamul iyo calamo meelo fog laga keenay.. haddii aadan arrinkan la yaabin waa lagu yaabaa!!
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,
Goobjoog News