Dad Macluul Ugu Dhintay Deegaanno Ka Tirsan Mudug

Iyadoo ay isasa soo tarayso abaarta ka taagan gobolka Mudug ayaa xilligaan waxay qeylo dhaan xoogan ay ka soo yeereysaa maamulka Ceel-dibir oo sheegay in deegaankaas ay 6 qof ugu geeriyootay abaar ka dib markii ay soo wajahday xaalad bani’aadanimo oo ka jirta halkaasi.
Guddoomiyaha Ceel-dibir Cabdiraxmaan Sheikh Xasan Jimacaale oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in xaald nololeyd oo dhanka bani’aadanimada ah ay ka jirto deegaanka Ceel-dibir iyo degaannada hoos yimaada, waxa uu xusay in cudurro ka dilaacay deegaanka ay u geeriyoodeen 6 qof waxa uu intaas ku daray in deegaanka uusan lahayn xarun caafimaad.
“Deegaanka Ceel-dibir iyo deegaannada hoos yimaada saameynta abaarta Soomaalia heysata ayaa saameyn ku yeelatay,waxaa ku soo kordhay xanuuno kala duwan oo aad iyo aad qandho u leh oo shuban leh iyo nafo darri,dadka ma haystaan waxay isticmaalaan”
Guddoomiyaha yaa sheegay in dadka ay u baahanihiin gurmad deg deg ah si loola tacaalo xaaladooda oo hada ah mid siiliidanayso dadka ku nool deegaanka Ceel-dibir iyo deegaannada hoos yimaado.
Inta badan abaaraha ka jira waddanka ayaa waxay sababeen dhimashada dad farabadan kuwaas oo ay waxyello ka soo gaartay abaarta,waxaana u sii dheer inay dilaaceen cudurro ay ka midyihiin shuban biyoodka.
Goobjoog News