Maanta oo ay ku beegan tahay 12-ka April waxaa meelo badan oo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya looga dabaaldegayaa sanad guuradii 57-aad e kasoo wareegtay maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanad walbo maanta oo kale loo dabaaldego.
Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka iyo meello kale oo ka mid ah dalka lagu qabto munaasabad lagu weyneynayo maalintan.
Ammaanka magaalada Muqdisho oo munaasabado waaweyn ay ka dhici doonaan ayaa ah mid aad loo adkeeyay.




From the comments