Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun ku ridday Labo ruux oo ku eedeysnaa iney ka tirsan yihiin Al-shabaab, lana sheegay in la qabtay iyaga oo gaari Homey ah qaraxyo ku siday.
Raggan oo la sheegay in laga soo qabtay deegaanka Godinlabe ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cali Kadiye iyo Xuseen Xaashi C/laahi.
Guddomiyaaha maxkamadda Darjada Koowaad ee ciidamada qalabka sia G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhowaaqay in Labadan eedeysane lagu kala xukumay min 10 sano oo xabsi ciidan ah.




From the comments