Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay faarujiyeen ciidamada Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxay saldhiggii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen degmadaasi, waxaana ay afka aadiyeen dhanka xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Goob joogayaal ayaa soo sheegaya in badi degmada Dhuusamareeb ka baxeen ciidamadan, iyadoo aaney jirin qorshe horey loo sii shaaciyey oo arrintaan ku saabsan.




From the comments