Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ciidamo u soo dirtay Soomaaliya, ciidamadan ayaa tababar iyo musaacado kale siin doona ciidamada xoogga dalka.
Waa qeyb cusub oo lagu daray ciidamada horay u joogay dalka, waxaa ay ujeedkoodu tahay la dagaalan-ka kooxaha dowladda ka soo horjeeda, sidaa waxaa sheegay wasaaradda arrimaha dibadda.
Mareykanka waxaa uu si joogta ah u duqeeyaa xarumaha Al-shabaab, sanadkii hore waxaa uu sheegay in 150 ay ka dileen Al-shabaab, duqeynta ayaa ka dhacday meel 120 Mile oo u jirta Muqdisho, Pentagon-ka waxaa uu sheegayaa in uu dhowr todobaad ilaalo ka hayey xaruntaas ay ku tababaranayaan.




From the comments