Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in duqeyn ay ka geysteen gobolka Gedo, gaar ahaan deegaan ku dhow deegaanka Ceel Cadde ee gobolkaasi.
Wararku waxay sheegayaan in duqeyntaan lala eegtay saldhigyo ay Xarakada Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka duqeynta ay ka dhacday.
Goob joogayaal ku sugan degmada Ceel Cadde ayaa inoo sheegay in ay maqleen saq dhexe xalay iyo saakay waaberigii dhawaqa gantaalo ay diyaaradahan ku dhufanayeen duleedka deegaankaasi, iyadoo weli aan la ogeyn khasaaraha halkaasi ka dhashay.




From the comments