Dr. Fawziya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka & DaryeelkaBulshada, waxaa ay ka soo jeedaa gobolka Hiiraan.
Marwo Fowsiyo, waxaa ay ku dhalatay Jowhar 1960-kii, waxbarashada dugsi hoose/dhexe iyo sare waxaa ay ku qaadatay magaalada Muqdisho iyada oo ka baxday dugsi sare Banaadir.
Waxbarashada Jaamacadeed, waxaa ay ka qalinjabisay kuliyadda sharciga ee Jaamacadda umadda 1985-tii, kadib isla kuliyaddaas ayey ka noqotay bare kaaliye, shahaadada labaad ee Master iyo Phd-da waxaa ay ku sameysay dalka Talyaaniga iyada oo diyaarisay Public Health, Master-ka waa Health Services Management ee machadka the Istituto Superiore di Sanitá in Rome, Italy halka shahaadada PhD ka diyaarisay Public Healthee Jaamacadda l’Universitá degli Studi di Roma, ‘La Sapi enza’.




From the comments