Ciidamada waddanka Ciraaq ayaa sheegay in la dilay Cabdullaahi Al-Badraani oo loo yaqaanno sidoo kale Abuu Ayuub kaasi oo ka mid ahaa hogaamiyaasha ugu sarreeya ururka Daacish.
Wararka ayaa sheegaya in Al-badraani uu ku dhintay duqeyn ay geesteen ciidamada isbahaysiga caalamiga ah oo uu hogaaminayo Maraykanka waxayna ku duleen galbeedka magaalada Mowsil.
Waxaa la aamisanyahay Al-Badraani in uu ahaa ninka soo saari jiray amarro badan oo ay ku dhaqaaqi jireen ururka Dacish kuwaas oo sida la sheegay keenay xadgudub dhimasho iyo ku tumashada xaquuqda dadka rayidka ah.




From the comments