Diblumaasi Maxamed Maxamuud Caalim ayaa ka hadlay ahmiyadda uu Soomaaliya u leeyahay shirka dhowaan la filayo inuu ka dhaco magaalada London oo arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo.
Muhiimad ballaaran ayaa shirkani uu u leeyahay Soomaaliya, maadaama Britain oo kamid ah dowladihii gumeystay dalkani ay aad u daneyneyso kheyraadkiisa iyo sugidda ammaankiisa.
Diblomaasi Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa Goobjoog News, ay weydiisay bal inuu ka warramo muhiimadda shirkani uu leeyahay iyo sida Soomaaliya ay uga faa’iideysan karto.




From the comments