Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxaa ay ku soo xusheen guddiyada joogtada ah,
Kulanka waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaa sidoo kale joogay guddoomiye ku xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari ) iyo ku xigeenka 2aad Mowliid Guhaad, waxaa uu ku furmay 36 Xildhibaan, Ajendahana waxaa uu ahaa xulista guddiyada joogtada ah ee aqalka sare.
Golaha Aqalka sare, waxaa ay magacaabeen oo keliya magacyada guddiyada joogtada ah, waxaa dhimman dhismaha guddi walba oo hadda waxaa Xildhibaannada loo sheegay in ay soo doortaan 3 guddi oo midkood lagu dari doono, waxaa intaasi kadib uu guddi walbo dooran doonaa guddoomiye.




From the comments