Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa daahfuray barnaamijka Xiriirka iyo Wadashaqeynta ee Hay’adaha dowlada qeybahooda Warfaafinta & kuwa Caalamka.
Wasiir Eng. Yarisow oo ka hadlay munaasabada daahfurka ayaa yiri “Barnaamijka Xiriirka iyo Wadashaqeynta ujeedadiisu waxey tahay sidii lagu xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya hay’adaha dowlada oo la xoojiyo xiriirka, loona sameeyo nidaam iyo hab raac loo maro oo Wasaarada Warfaafinta ay hormuud ka noqoto si loo mideeyo fariimaha dowladda ay u direyso shacabka Soomaaliyeed.”
Kulanka maanta ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha, Madaxtooyada, Wasaaradaha Dowladda iyo Qeybta Warfafinta ee AMISOM, iyadoo looga hadlay sidii loo mideyn lahaa horumarinta warbaahinta dalka. Kulankan ayaa ahaa mid lagu bilaabay xoojinta iyo wadashaqeynta ee dhanka warfaafinta, iyadoo la isla gartay in dhammaan saraakiisha warfaafinta ee hay’adaha dowladda ay wada hoos yimaadaan Wasaarada Warfaafinta oo u qaabilsan Dowladda Siyaasada iyo Istraatejiyada Warbaahinta Dalka.





From the comments