Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka sameeyeen deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose.
Guddoomiyah deegaankaasi Abukar C/laahi Isaaq oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in howlgalladan ay ahaayeen kuwo habeenadii ugu dambeeyay ay ka sameeyaan degaanka, amnigana ay wax badan ka bedaleen.
Waxa uu sheegay in deegaanka oo muddo Bil ku dhow saaran yahay Bandow habeenkii ah, in ciidamada ay raadiyaan cid walbo oo dooneysa iney jabiso ammarka Bandowga ah.




From the comments