Waxaa saakay dagan deegaanka Saan ee gobolka Bari kadib markii shalay kooxo ka trisan Daacishta Soomaaliya ay si nabadgalyo ah ay kula wareegeen.
Dad goob joogayaal ayaa waxay sheegeen in kooxaha ka tirsan Daacish ay wali gacanta ku hayaan deegaankaasi, iyadoo weli wax dhibaato ah aan halkaasi laga soo sheegin.
Wariyaheena Qadro qaran ayaa soo sheegeysa in ay jiraan dad badan oo walwal ka muujiyey qabsashada kooxdan ee deegaankaasi, walow aaney jirin cid ka tirsan maamulka Puntland oo arrintaasi ka hadashay.




From the comments