Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta doortay xubnihii uga mid noqon lahaa guddiga dib u eegista dastuurka KMG ah.
Kulanka 25aad ee kalfadhiga 1aad oo maanta ay u dhammaayeen guddoonka, waxaa soo xaadiray 46 Xildhibaan, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi, waxaa kaloo joogay guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mowliid Guhaad.
Ajendaha kulan waxaa uu ahaa doorashada xubnaha guddiga aqalka sare ee deb u eegista dastuurka, waxaana lagu qeybsaday nidaamka 4.5, inta badan beelaha waa isu tanaasuleen marka laga reebo Hawiye iyo Dir.




From the comments