Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka bilowday dibadbax ay dhigayaan qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmadaasi.
Shacabkaan oo isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee degmada Jowhar ayaa lasoo sheegayaa iney ka dibadbaxayaan xariigga maamulka Hirshabelle u geystay agaasimaha Isbitaalka Jowhar.
Dadka ayaa ka dalbanaya maamulka Hirshabelle in si shuruud la’aan ah kusii daayo agaasimaha oo ay sheegeen in howlo muhiim ah u hayey shacabka Sh/dhexe.




From the comments