Si loo dhiiri galiyo howlaha gurmadka ah ee wax loogu qabanayo Dadka Abaaraha ayku saameeyeen Gobolada Dalka ayaa Sababtay in la daahfuro Mashruucan la isku haleeshiinayo Gurmadka Bulshada iyo kan Dowlada ka yimaada.
Wasiirka gargaarka ee Xukuumada Soomaaliya Drs Maryan Qaasim ayaa sheegtay in xaruntan daahfurkeeda uu yimid kadib markii ka wasarad ahaan ay arkeen gurmadka abaaraha oo deegaanada qaar isaga daba noqonaya halka kuwa kalena aan la gaarsiin.
Munaasabadda lagu furayey barnaamijkaan waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo safiiro ka socda wadamada beesha caalamka.




From the comments