Goobjoog

Imaaraadka Oo 89.8 Million Oo Dollar Ku Maalgelin Doona Soomaaliya

Abu Dhabi: Sanduuqa Hor-u-marinta Abu Dhabi ayaa sheegay in AED330 million ($89.8 million) oo Lacag hor-u-marineed ah uu siin doono Soomaaliya. Lacagta Sanduuqan waxaa lagu maalgelin doona arrimaha la…

Imaaraadka Oo 89.8 Million Oo Dollar Ku Maalgelin Doona Soomaaliya

Abu Dhabi: Sanduuqa Hor-u-marinta Abu Dhabi ayaa sheegay in AED330 million ($89.8 million) oo Lacag hor-u-marineed ah uu siin doono Soomaaliya.

 

Lacagta Sanduuqan waxaa lagu maalgelin doona arrimaha la xiriira hor-u-marinta sida kaabayaasha dhaqaale iyo gaadiidka.

 

Maalgelintan waxaa ay kaloo ay hor-u-marin doontaa adeegga guud, shaqo abuur iyo soo celinta xasiloonida iyo hor-u-mar bulsho.

 

Sida ay sheegay wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka, Sanduuqan waxaa gacan ka geysan doona dhaqaalaha liita ee Soomaaliya sida kor u qaadista dhaqaalaha shacabka, fududeynta heerka nolosha iyo hor-u-mar dhaqaale oo waqti dheer ah in la gaaro.

 

Sanduuqa Taageerada Afrika waxaa uu sheegayaa in xoogga uu saari doono arrimaha dhismaha, ballaarinta waddooyinka iyo dib u habeyntooda, dhismaha buundooyinka iyo ganacsiga iyo waxsoorka ee Soomaaliya in gees ka gees kor loo qaado.

Sanduuqan tan iyo markii la aasaasay 1971-dii, waxaa uu mashaariic illaa 80 Bilyan oo Dollar ah ka hirgeliyay in ka badan 80 dal oo caalamka ah

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments