Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa si kulul u dhaliilay waxqabadka hay’adaha samofalka ah ee ka howlgala deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi.
Camey ayaa sheegay in madaxda hay’adahan aanay u imaan wax qabad balse ay dalxiis u yimaadaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Shaqo uma imaan dalxiis bay u yimaadeen Hoteellada ugu qaalisan bay degaan, waxaan hay’adaha ku dhaliilayaa waxqabad la’aan, haddii ay inaga arkaan inaan inagu is caawineyno oo aan wax qabsaneyno innaga oo aan baryin bay nagu soo cararayaan laakiinse waa inaan isku tashannaa, aan ku fekerno dadkeenna sida uu ku hormari lahaa” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.




From the comments