Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in dhowaan la furi doono waddooyinka soo gala degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, taasi oo go’ddoonsan muddo Saddex Sano ah, lana soo celin doono xiriirkii ganacsi ee degmadaasi la lahayd gobolka Intiisa kale.
Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in amni ahaan ay aad u wanaagsan tahay degmada Buuloburde, wuxuuna dhanka kale sheegay in dhammaan adeegyada looga baahan yahay maamulkiisa ay keeni doonaan degmadaasi.
“Magaalada waa mid kasoo kabaneysa dhibaatooyinkii iyo waxyeelladii ay ku hayeen qolooyinkaan nabad diidka ah, umadana u diiday iney hoyato ama ay nasato, magaalada guud ahaan waa nabad, waxay ka xiran tahay daafaha oo waa go’ddoon, waxaan rajeyneynaa in mardhow ay ka baxdo go’doonka, waa la furayaa waddooyinka soo gala Buuloburde, cadowga shacabka magaalada uma ogola ineys isku socdaan ama nabad ku noolaadaan, magaaladaan waa loo fuarayaa dhanka B/weyne iyo dhanka magaalada Muqdisho” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.





From the comments