Goobjoog

Dab Ka Kacay Kaamka Badbaado Ee Magaalada Muqdisho

Dab xooggan ayaa goor dhow lagu soo waramayaa inuu ka kacay kaamka Badbaado 1, degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku noolaayeen barakacayaal badan. Goob joogayaal ayaa u…

Dab Ka Kacay Kaamka Badbaado Ee Magaalada Muqdisho

Dab xooggan ayaa goor dhow lagu soo waramayaa inuu ka kacay kaamka Badbaado 1, degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku noolaayeen barakacayaal badan.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News in dabkaan uu ka kacay gudaha kaamka, waxaana basbeelay guryo u badan kuwii loo dhisay dadka barakacayaasha.

Lama oga khasaaraha guud ee halkaasi ka dhashay, hase ahaatee waxaa goobta gaaray maamulka degmada Dharkeenley, gaadiidka gurmadka degdegga ah ee dabdamiska iyo Ambalaas.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments