Burcad-badeedda Soomaalida ayaa weeraro ka bilaabay xeebaha dalka Soomaaliya kadib markii ay dhowr markab oo ganacsi qabsadeen, arrintaasi waa mid jirto, laakin weli khatar isku ma badalin, sidaasi waxaa axaddii sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dalka Mareykanka.
Wasiirka gashaandhigga Mareykanka Jim Mattis oo saxafiyiin kula hadlay saldhig Militari oo ay ku leeyihiin dalka Djibouti ayaa sheegay in haddii xataa ay ka soo daraan burcad badeedda Soomaalida aan loo baahan doonin faragelin toos ah oo ciidamada Mareykanka ah.
Mareykanka waxaa uu qabaa in aan la dhihi Karin in burcad badeedda Soomaaliya ay dib u soo noqdeen, iyaga oo weerarada dhawaan maraakiibta loo geystay ku sheegay in ay sababi karaan abaarta iyo gaajada ka jirta Soomaaliya.




From the comments