Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo sheegtay in lala xisaabtami doono diyaaradaha doonaya inay hareer maraan qaabka canshuur qaadista.
Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in diyaaradaha doonaya inay ku tuntaan habqaadista canshuurta ay dowladda Soomaaliya ay la xisaabtami doonto, waxa uu sheegay in ciddii ka dhaga-adeegta hadalada loo soo jeediyay ay la kulmi doonto tallaabooyin adag oo dhanka sharciga ah.
“ Waan la xisaab tami doonaa dadka hareer maraya nidaamka cnshuur qaadista, diyaaradii ogolaato iyadoo ka carareyso inay bixiso canshuurtii saxda ahayd nidaam qaldan annga dowladda dhexe hadaan nahay waxaa naga saaran mas’uuliyad, mas’uuliyadda naga saaran waxaa waaye inaan la xisaabtanno diyaaradda “.




From the comments