Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow(Ganey) oo Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in meel ku dhaw degmadaasi sida Raasow, Baqdaad iyo tuulooyin kale ay 5 qof baahi iyo macluul ugu dhinteen.
Guddoomiyaha Fiidow waxaa uu sidoo kale ka hadlay in dadka qaar ay gateen cowska mudullada ay deganaayeen si ay nolol uga helaan, taasi oo sida uu sheegay ku tusineysa heerka baahida halkaasi ka jirta.
“Jalalaqsi waa magaalo ka mida magaalooyinka Hiiraan,waa degmo degmooyinka Hiiraan ka mida haada wixii ka horreeyay oo aan Hirshabeelle la sameynin waxaan ahayn dad go’doon ah waxaan ahayn degmo go’doonsan oo dowladdii hore aan waxba u qaban, hadda waxaan rajaynaynaa in Hirshabeelle iyo xaaladda jirta aan ku guuleysanno rajada aad ayay u fiicantahay .




From the comments