Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sheegay in ay dhammaatay waqtigii loogu talogalay iney wada hadlaan Ahlu-sunna Waljameeca iyo maamulka Galmudug.
Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle, Gudoomiyaha Guddigan oo wareysii siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in hadda lasoo gaaray waqtigii ay u dareeri lahaayeen dhameytirka doorashada.
“Dedaal badan ayeey ku bixisay dowladda Soomaaliya wada hadallada, waxay ahayd marka in marka ay wada hadallada soo gaarsiiyaan heer la is hor fariisan karo in Labada dhinac ay si toos ah isku ag fariistaan, illaa hadda lama gaarin mana aanay dhicin heer is hor fariisad ah, marka warbixintaasi natiijadeeda waxa ku saabsan iyo wixii ay ku dhammaatay waxaa laga filayaa in dowladda ay ku dhowaaqdo, laakiinse kama hor dhacayo, balse waxaa lasoo gaaray xilligii aan doorashada dhameystirkeeda u dareeri lahayn” ayuu yiri xildhibaanka.




From the comments