Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay Walxaha qarxa iyo sidoo kale Shan nin oo la sheegay in walxahaasi ay wadeen.
Taliyaha ciidamada madaxtooyada Puntland C/rashiid C/raxmaan Ismaaciil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxadan lagu soo diyaariyey Saddex fuusto, lana doonayey in lagu weeraro Saddex meel oo kala duwan, ayna hayaan raggii waday iyo gaarigii lagu waday intaba.
Wuxuu tilmaamay taliyaha sidoo kale in ciidanka ay hadda wadaan baaritaan, islamarkaana xilliyada soo aadan ay arrintaan faah faahin buuxda ka bixin doonaan.




From the comments